Dagaal dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Duleedka magaalada Kismaayo

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta kMG ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in dagaal saacadihii lasoo dhaafay ka socday duleedka Kismaayo lagu dilay dad badan oo isugu jiray shacab iyo dhinacyada dagaalamaya.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo wada dega magaalada Kismaayo iyo duleedkeeda, waxa uuna dagaalka noqday mid soo noq noqday oo lagu guul dareestay in xal laga gaaro mudooyinkii lasoo dhaafay.

Taliyaha ciidanka nabad sugidda Jubbaland Aadan Maxamuud Ibraahim (Aadan Koojaar) oo la hadlay Idaacada BBC-da ayaa sheegay 17-ruux lagu dilay dagaalka ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo.

Waxa uu sheegay taliyaha in dagaalka uu u dhaxeeyo labo maleeshiyo beeleed, waxa uuna tilmaamay in ay socdaan dadaalo kala duwan oo lagu doonayo in xal looga gaaro dagaalkan soo noq noqday.

Maamulka Jubbaland ayaa ku guul dareestay xalinta dagaalkan ka socda duleedka magaalada Kismaayo, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in dagaalka qeyb ka yihiin ciidamo katirsan Jubbaland oo qaab beeleed u abaabulan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -